Wararka

Munaasabad baroordiiq iyo duco aheyd oo loo sameeyey ardeydii Jaamacada Benadir ee ku naf…


Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad iskugu jirtay baroordiiq iyo duco loo sameeyey ardaydii Jaamacada Benadir ee ku naf waysey qaraxii 28-kii bishii December ee sanadkii hore ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadan oo ay soo qaban-qaabisay Jaamacada Benadir ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan goleyaasha Xukuumada iyo Baarlamanka Somalia, waalidiinta iyo ehelada ardaydii ku geeriyootay qaraxaas, mas’uuliyiinta Jaamacada, aqoonyahano iyo xubno kale.

Qaraxan oo guud ahaan ay ku dhinteen dad ka badan 90 qof iyo dhaawac intaas ka badan ayaa waxaa dadkii naftooda ku waayey ka mid noqday arday ka tirsaneyd Jaamacada Benadir oo xiligaas ku sii jeeday goobahooda waxbarashada sida uu sheegay guddoomiyaha Jaamacadda Benadir Prof.Dr. Maxamed Maxamuud Xasan Biday oo munaasabadaas ka hadlay, isagoo dhinaca kale faahfaahin ka bixiyey tirada ardayda ay waxyeeladu soo gaartay iyo talaabooyinka uu qaaday Maamulka Jaamacadda.

“Dhibaatada ka dhalatay qaraxaas waxay si guud u taabatay bahda waxbarashada gaar ahaan Jaamacada Benadir oo ay kaga geeriyoodeen 16 arday oo iskugu jiray 11 gabdhood iyo 5 wiil, waxaana kaga dhaawacmay 18 arday oo iyana iskugu jiray 15 gabdhood iyo saddex Wiil, waxaana 12 ka mid ah dhaawacooda daweyn loogu qaaday dalalka Turkiga iyo Qadar, waxaan mar kale tacsi u dirayaa qoysaska ay ka soo jeedaan ardayda naga geeriyootay, kuwa dhaawaca ahna waxaan alle uga baryeynaa inuu u boogga dhayo” ayuu yiri Guddoomiyaha oo intaa ku daray in qaraxaas uu saameyn dhinaca maskaxda ku yeeshay ardaydii ay isku fasalka ahaayeen kuwa geeriyooday.

Dr. Biday ayaa intaas ku daray in markii ay dhacday mashaqadan ay mas’uuliyiinta Jaamacadu qaadeen talaabooyin loogu gurmanayo ardayda waxyeeladu soo gaartay oo uu sheegay iney ahaayeen dhalinyaro dedaal culus ugu jiray iney wax bartaan, waxna taraan dadkooda iyo dalkooda balse geeriyooday iyagoo aan xaqiijin hadafkii ay nolosha ka lahaayeen.

“Waxaan booqanay qoysaska ardayda geeriyootay oo aan ugu tagnay guryahooda si aan ula qeybsano murugada iyo tiiraanyada, qoysaska intooda badan waxaa ka muuqatay duruufo nololeed oo aad u adag oo la daalaa dhacayey bixinta kharashka waxbarashada ubadkooda, Jaamacadu waxay abuureysaa sanduuq samafal oo fursad u siinaya waalidiinta ardayda geeriyootay iney keensadaan arday kalae oo wax loogu baro si lacag la’aan ah, sidoo kale waxaan qorsheynay in ardayda dhaawaca ah loo dhameystiro waxbarashadooda, iyadoo qarashkooda laga dabooli doono sanduuqaas” ayuu yiri gudoomiyaha oo ka codsaday qeybaha bulshada, gaar ahaan ganacsatada, shirkadaha iyo dadka muxsiniinta ah iney qeyb ka qaataan sidii qorshahaas uu u guuleysan lahaa, isagoo dhinaca kale u mahad celiyey dhamaan shaqsiyaadkii iyo hey’adihii ka qeyb qaatay gurmadka ardaydii waxyeeladu soo gaartay.

Munaasabadan ducada ah oo ku dhamaatay jawi wanaagsan ayaa waxaa sidoo kale intii ay socotay ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8456 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: