Wararka

Prince Harry iyo Meghan oo sheegay in ay isaga baxeen safka hore ee reer boqor, kadib bilo…


Qoraal ay soo saareen Prince Harry iyo marwadiisa Meghan ayay ku sheegeen in ay isaga baxeen safka hore ee daladda reer boqorka Ingriiska kaddib bilo ay arrintani ka baaraan dagayeen.

Qoyskan da’da yar ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay isku tashan doonaan dhaqaale ahaan iyo in ay keligood taagnaadaan, balse ay taageero buuxda iyo garab-istaag u hayaan boqoradda oo Harry ayeydiis ah.

Meghan Markle iyo Prince Harry ayaa sheegay in ay u dhaxeyn doonaan deegaan ahaan Waqooyiga Amerika iyo Britain.

Khilaafka u dhexeeya Amiirka iyo qoyskiisa reer boqor ayaa muddooyinkii u dambeeyay bannaanka imaanayay, iyadoona la arkayay faquuq lagu hayo oo ay u dambeeysay dabaaldeggii Chrismas-ka xilligaas oo sawirka amiirka iyo xaaskiisa laga waayay miiskii ay khudbadda ku aqrineysa boqoradda iyo in ay ka guureen gurigii ay ka dagnaayeen duleedka magaalada London.

Meghan ayaa loo badinayaa in ay galaafatay Harry sababo la xiriira in aan lala rabin.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8456 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: