Wararka

Trump oo sheegay inaan qof Mareykan ah wax ku noqon weerarkii lagu qaaday saldhigyada…


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qabtay shir jaraa’id oo si weyn loo wada sugayay, kaasoo uu uga jawaabayay weerarkii gantaallada ahaa ee ay Iiraan ku qaadday saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq.

Trump ayaa si guud u sheegay in Iiraan ay nasiib leedahay maadaama uusan qof Mareykan ah wax ku noqonin duqeymihii gantaallada ahaa ee ay Iiraan adeegsatay.

Isagoo la hadlayay warbaahinta, si toos ahna looga daawanayay telefishinnada ayuu sheegay in Iiraan ay hadda dib u dagtay maadaama ay beegsatay saldhigyada ciidamada Mareykanka.

Wuxuu sheegay in dowladdiisu ay cunaqabateyno hor leh dul dhigi doonto Iiraan, si looga jawaabo tallaabada aargoosiga ah ee ay qaadday xukuumadda Tehran.

Wuxuu dhinaca kale ka dalbaday dalalka Midowga Yurub, Ruushka, iyo Shiinaha inay ka baxaan heshiiskii nuclear-ka ee Iiraan, kaasoo uu dhawaan Mareykanku laalay.

Hase ahaatee madaxweyne Trump jawaab rasmi ah ka bixinin su’aashii la is wada weydiinayay ee ahayd, “tallaabada xigta ee uu Mareykanku qaadi doono” ka dib gantaallada Iiraan ay la beegsatay saldhigyadooda dalka Ciraaq.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8445 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: