Wararka

Dhibaatada shaqo la’aanta dhalinyarada waxbaratay ee Masar oo aad u korortay, iyagoo…


Maxamed al-Ashmawi waa wiil reer Masar ah subaxdii wuxuu aadaa shaqadiisa waa Injineer kombuyuutar, fiidkiina wuxuu ku iibiyaa sandwich gaariga wareega mid ka mid ah xaafadaha caasimada Qaahira.

Arrinta Ashmawi, 25, ayaan ka duwaneyn xaalada kumanaan dhalinyaro ah oo reer Masar, kuwaasi oo ku khasban inay ka shaqeeyaan wax kabadan hal shaqo marka loo eego qiimaha sare ee nolosha wadanka.

Ninkan dhalinyarada ah wuxuu go’aansaday inuu bilaabo meheraddiisa ka hor inta uusan ka qalin jebin kuliyada Nidaamka Macluumaadka, waxay isaga iyo saaxiibkiisa oo qareen ah ku fekereen inay iska kaashadaan mashruuc, iyagoo ka duulaya awoodooda dhaqaale ee xadidan.

Labada saaxiib waxay soo iibsadeen gaari gacmeed wareega oo ay ku diyaariyaan ” sandwich-yada qabow” waxayna ka iibiyeen dadka jidka isticmaala, aragtidooda mashruucu uma baahna waqti ama dadaal badan.

Gaariga waxay ugu diyaariyaan macaamiishooda sagaal nooc oo cunto qabow ah, kaasi oo aan u baahneyn waqti badan oo lagu diyaariyo, sida dhamman noocyada farmaajada, toonada, nutella iyo jam, qiimo go’an ayey sandwich-ka ku iibiyaan waa 5 pound Masri ah oo ka yar nus dollar, sidaasi darteed mashruuca oo dhan wuxuu ku kacayaa 15 kun oo pound Masar oo u dhiganta 934 dollar.

Ashmawi ayaa u xushay magaca “degdega”, asaga oo rajeynaya inuu ballaariyo mashruuciisa si loogu daro goobo kale oo badan, laakiin wuxuu rajaynayaa inuu ka helo ogolaansho xaafada si uu ugu dhaqmo wax qabadkiisa, mararka qaar wuxuu kala kulmaa munishiibiyada dhibaatooyin, ayuu yidhi.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8418 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: