Wararka

Baraha Bulshada ma la dhihi karaa qeyb ayey ka qaateen khiyaanada qoysaska iyo qoys burburka…


Khiyaanada qoysaska ayaa noqotay mid aad u fudud maanta iyadoo la adeegsanayo baraha bulshada, halkaas oo qofku ku galo wada hadal dhinaca Facebook, Twitter-ka whatsApp-ka iwm, ka dib wuxuu la kulmaa naag ama nin qofba wuxuu raadinayo, kadib markay ayaamo sheeko caam ah ka sheekeystaan waxaa dhaceysa in hoos la isula dego oo la isbarto, qofkii ayaa sida la ogyahay wuxuu ku mashquulayaa Internet-ka, qofkii wuxuu sidaasi ku gabayaa waajibaadkii saarnaa, kadibna waxaa bilowdaa in la iska shakiyo, halkaasina ku bilowdo buuq is qabqabsi.

Sheekooyinka iyo dhacdooyinka khiyaanooyinka elektiroonigga ah ayaa si aad ah u batay, taasi oo sabab u ah maqnaanshaha faaf reeb, haddii ay tahay qoys ama bulsho, iyadoo jirta marnaantaasi iyo maqnaanshaha caqiidad diini ah iyo qabatinka hor fadhiga kombiyuutarka muddo dheer, intaasi oo dhan markii la isku duubo waxaa halkaasi ka dhalanaya khiyaanada qoyska.

Dad badan oo arrintan ku dhacday oo xaqiijinaya jiritaanka xiriir ka dhaxeeya isticmaalka baraha bulshada iyo dhibaatooyinka bulshada ee la xiriira qoys burburka, kaasi oo marka dambe sababo karaahiyo.

Haweenay ayaa tiri ninkeyga waxaan arkaa oo keliya markuu shaqada aadayo iyo marka uu ka imanayo, inta badan waqtigiisa xafiis uu ku leeyahay guriga ayuu fadhiyaa gadaasha shaashada Internet-ka, ma doonayo in qof u soo galo oo dhibo, wuxuu sabab ka dhigaa inuu howshiisu ku mashquulsan yahay, inta badan wuxuu xiraa albaabka xafiiska, isagoo ku andacoonaya inuu doonayo inuu jebiyo nolosha guurka waxyaabaha ka dhasha iyo xiisa darada, sidaasi darteed wuxuu waqtigiisa ku bixiyaa adduunka Internet-ka oo laga helo farxad iyo waxyaabo xiiso leh.

Arinta udhaxeysa iyada iyo ninkeedana waxay gaartay kala tagit ama kala guur, aakhirkiina wuxuu gaaray furiin, waxay raacisay, “Laakiin joogitaanka gabdhahayga nolosheyda waxay iga dhigtay inaan ka laabto go’aanka si aanan u burburin qoyskeyga, wuxuuna ii balan qaaday inuusan mar kale howlahaasi ku laaban doonin.”

Sheekadan, khiyaanada elektarooniga ah waxay ku bilaabatay sheekaysiga ama chat-ing oo dadka ay wadaagaan, taas oo ay u aragtay una tixgelisay inay tahay marxalad isbedel oo nolosheeda guurka ah, waxayna isku dayday inay si xikmad iyo caqli gal ah u dhaqanto halkii eedayn, fadeexad iyo kala go ‘ abuuri lahayd.

Arrintu kuma eka keliya Ninku inuu had iyo jeer dambiile u yahay qabatinkiisa baraha bulshada, mararka qaarkood haweeneyda ayaa noqon karta mid ka mid ah sababahan, ninbaa wuxuu sheegay in, “Xaaskiisa si joogto u fadhido saacado badan kombiyuutarka hortiisa, iyadoo ka baxsaneysa waajibaadka guriga, taasi waxay kordhisay shakigiisa oo dhinaceeda ah, waswaas ayaa ku bilowday oo caqligiisa ku ciyaaray, wuxuuna goostay in ay lagama maarmaan tahay inuu helo wadiiqo uu ku ogaado xaalkeeda.

Wuxuu farta ku fiiqay in ficillada haweenku mararka qaarkood ay sababaan burburka qoyska, dumarka qaar ayaan dan iyo heelo ka lahayn oo aan dareemaynin inay mas’uul ka yihiin howsha guriga iyo waxyaabaha ay uga baahan yihiin xitaa caruurta, taasi bedelkeedana waxay saacado badan ku bixiyaan Internet-ka, waxay dabagal ku sameeyaan xisaabaadkooda iyo liiska asxaabta iwm.

wuxuu sharaxay in ” xaaskiisa ay baratay niman badan iyadoo adeegsaneysa Facebook iyo Whatsapp, taasina waxay dhalisay caradiisa, markuu weydiiyey waxay u shegtay “waxan raadiyay oo dabagalay farxad iyo sheekooyin aan jirin ee lagu dejinayo qaluubta dhinaca qololka sheekeysiga ama shukaansiga”sidaasi ayey ku tiri, laakin ma aqbalin cudurdaarkeeda qoyskiina sidaasi ayuu ku burburay.

Inkastoo faa’idooyinka Internet-ka uu badan yahay hadana runtii dhibkiisa ma yara, sheekooyin intaasi ka daran ayaan maqalnay, sidoo kale kuwo nolosha ku guuleystay iyagoo weliba isticmaalaya Internet-ka, laakin Soomaalidu waxay tiraahdaa Kheyr wax ma kaa dhibee shar u toog haay, waxaa bilaash ama ku dhowaad bilaash iska noqday telefoonkii, qofkii uu daqiiqadaha ku xisaabtami jiray hadda waa iska furan tahay, wuxuuna sababayaa isku dhaca qoysaska.

Nin aan meel ka wada shaqeyn jirnay waagii aan jirin Internet-ka, wuxuu ahaan jiray telephone operator, wuxuu gabar ka jeclaaday dalka Jabuuti, waagaasi daqiiqada telefoonka lacagtiisa qaali ayey aheyd marka ma awoodin, wuxuu sameyn jiray mar walba inuu ku hadlo wax hal daqiiqo ka yar oo xado, waayo machine-ka wixii daqiiqad ka yar ma soo saaro, laakin ma uusan ogeyn in machine kale ka dambeeyo, sidii ayuu ku waday ileen wuxuu ahaa qof caashaq haye, waagaasi khadka telefoonada waxaa bixin jiray dowlada iyadoo shirkadaha iyo ganacsiga waaweyn loo soo diri jiray fatuurada ama biilka seddax bilood kasta, saaxiibkey inta uu shift-ga ku jiro markuu fursad helo gabadhaasi ayuu la haasaawi jiray, biilkii ayaa yimd waxaa soo baxday number Jabuuti ah oo qarashkiisa gaaray wax ka badan 10 kun oo riyaal, lacagtaasina ku dhicin khasnada, waxaa la ogaaday meesha laga xaday, waxaa bilowday in laga shakiyo waayo shift-giisa ayaa mar walba sidaasi dhacda, kadibna waa la ogaaday, wuxuuna ku qasbanaaday inuu bixiyo lacagtii. Sheekada waxaan ku keenay hadday maanta ahaan laheyd, waxay ku sheekeysan lahaayeen video call oo lacag la’aan ah iyo waqti aan xadidneyn.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8445 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: