Wararka

Dowlada Iran oo qiratay in ciidamadeeda aan si ula kac aheyn u soo rideen diyaarad laga…

Debris is seen from an Ukrainian plane which crashed as authorities work at the scene in Shahedshahr, southwest of the capital Tehran, Iran, Wednesday, Jan. 8, 2020. A Ukrainian airplane carrying 176 people crashed on Wednesday shortly after takeoff from Tehran's main airport, killing all onboard. (AP Photo/Ebrahim Noroozi)

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in ay si aan ula kac aheyn ciidamadeedu u soo rideen diyaarad laga lahaa dalka Ukraine

Iran ayaa sheegtay in falkani uu ku dhacay oo burburka diyaarada uu ka dhashay “khalad uu bina’aadam sameeyay “.

Dadkii mas’uulka ka ahaa ayaa lala xisaabtami doonaa, sida bayaan laga baahiyay telefishinka lagu sheegay, Iran ayaa horey u diiday warar sheegayay in diyaaradda ay soo dhacday ka dib markii uu haleelay gantaal ay Iiran riday.

Diyaaradda oo laga lahaa Ukraine ayaa waxay burburtay Arbacadii waxaana ku dhintay dhamaan rakaabkii saarnaa oo dhanaa 176.

Dalalka Mareykanka, Canada iyo Ingiriiska ayaa horey u sheegay in diyaarada ku dhacday Iran uu ku dhacay gantaal ay rideen ciidanka dalkaas.

Caddeymo ay heleen dalalkaas ayaa muujineyay in gantaal ay riday Dowladda Iiran uu soo riday diyaaraddii Ukarine ee ay saarnaayeen dadka rayidka ah, taas oo ku dhacday duleedka caasimadda Tehran.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8445 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: