Wararka

Sababta loo fulin waayey xukunkii dilka ee lagu riday raggii dilay Caa’isha Ilyaas oo la shaaciyey…


Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare ee Puntland, Nuur Ciise Maxamed oo u waramay warbaahinta Puntland, ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta keentay in aan weli la fulin xukunkii lagu riday Seddax nin oo lagu helay kiiskii Caa’isha Ilyaas Aadan.

Seddaxda xukunsane oo kala ah, Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, ayaa lagu helay inay ka dambeeyeen kufsi iyo dil bishii February ee sanadkii 2019-kii waqooyiga magaalada Gaalkacyo loogu geystay marxuum Caa’isha Ilyaas Aadan.

Sidoo kale, wuxuu xusay in seddaxda xukunsane ay dib u-eegis ka qaateen xukunkii kama dambaysta ahaa ee Maxkamadda sare , balse dib u eegistaasi ay mar kale laashay Maxkamaddu, sidaasi darteedna xukunkaasi uu fulin suge yahay hadda.

Dhinaca kale, wuxuu tilmaamay in Xafiiska Xeer-ilaalintu ay Maxkamadda u soo gudbiyeen, codsi ku aaddan fulinta xukunka, balse aysan ku soo lifaaqin warqaddii dhaxal-koobka iyo codsigii qisaas-dalabka, sidaasi darteedna uu galkaasi kala dhimanyahay weli.

Ugu dambeyntii, guddoomiyaha ayaa caddeeyay in madaxweynaha Puntland uusan wax saxiix ah ku yeelan karin kiiskan, maadaama uu yahay xukun madaniya, isagoo xusay in madaxweynuhu saxiixo keliya kiisaska ciidamada qalabka sida.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8418 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: