Wararka

Suldaan Qaboos bin Saciid oo ahaa Suldaankii Oman oo da’da 79 jir ku geeriyooday…


Telefishinka dalka Cumaan ayaa shaaciyay in uu geeriyooday Suldaan Qaboos Bin Saciid oo ahaa Suldaankii Boqortooyada Cumaan, Suldaanka ayaana u geeriyooday xanuunka Kansarka oo in mudo ah hayay.

Bayaan ka soo baxay Maxkamadda Saldanada Cumaan oo lagu baahiyay telefishinka Oman ayaa lagu sheegay in Suldaan Qaboos uu geeriyooday habeenkii Jimcaha , waxaana bayaanka lagu sheegay in Suldaanka wax badan kasoo qabtay dalka Cuman.

Calanka dalka Cuman ayaa hoos loo dhigi doonaa mudo 40-maalmood ah, waxaa sidoo kale dalka Cuman looga dhawaaqay baroor diiq sadex maalin socon doonta , waxaana dalkaasi si weyn looga dareemay geerida Suldaanka.

Suldan Qaboos oo ku geeriyooday da’da 79-sano ayaa talada dalka Cuman qabtay sanadkii 1970-kii , waxa uuna talada dalkaasi kula wareegay Afgambi aan dhiig ku daadan uu ku sameeyay Aabihiis.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8445 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: