Wararka

Ciidamada ammaanka Iran oo saacado kooban xabsiga dhigay Safiirka Britain ee Iran…


Ciidamada ammaanka dowlada Iran ayaa saacado kooban xabsiga dhigay Safiirkii dowlada Britain u fadhiyay magaalada Tehran ee caasimada dalka Iran, kadib markii lagu eedeeyay in uu taageeray banaan bax looga soo horjeeday hogaanka sare ee Kacaanka Iran.

Danjire Rob Macaire ayaa laamaha amaanka Iran ku eedeeyeen in uu bogaadiyay banaan bax ay arday ka dhigayeen afaafka hore labo Jaamacad oo kutaala Tehran, waxaana banaan baxa looga soo horjeeday diyaaradii Milatariga Iran soo rideen.

Wasaarada arimaha dibadda Iran ayaa la sheegay in ay soo faragalisay xariga Tehran loogu geystay Safiirka Britian u fadhiya dalkaasi, waxaana lagu guuleystay in safiirka saacado kadib xabsiga laga sii daayo.

War kasoo baxay Wasaarada arimaha Dibadda Britain ayaa lagu canbaareeyay xariga magaalada Tehran loogu geystay safiirkooda, waxa ayna Wasaarada sheegtay in Iran ku xad gudubtay xeerka Diblumaasiyada caalamiga.

Xariga Safiirka Britain u fadhiyo dalka Iran ayaa kusoo aadaya kadib markii dhalinyaro careysan banaan baxyo ka dhigeen magaalada Tehran, kuwaa oo ku baaqayay in uu is casilo Hogaamiyaha Iran Ayotulah Cali Khumeni.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8456 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: