Wararka

Ciidamo badan oo xalay lagu daadiyey waddooyinka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta…


Saraakiisha Ciidamada Dowladda Somalia ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay ciidan fara-badan ku soo daadiyay waddooyinka ku yaala magaaladaasi.

Ciidamada Dowladda oo wata gaadiidka dagaalka ayaa waxaa tan iyo xalay lagu arkayaa wadooyinka waaweyn ee Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Ciidamada Dowladda ayaa waxaa la soo sheegaya inay baarayaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa kale ee gaarka loo leeyahay, tallaabadaas oo ay ku xaqiijinayaan amniga magaalada.

Tani ayaa waxay ku soo aadaysaa saacado yar uun ka dib, markii gelinkii dambe ee shalay Magaalada Dhuusamareeb lagu dhaariyay inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaanada Galmudug ayaa waxay kulamo ku leeyihiin Xarunta Shirkoole ee Magaalada Dhuusamareeb, iyagoona isu diyaarinaya qaban qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo midda Madaxtooyada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8459 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: