Wararka

Dilkii Jeneral Qaasim Suleimani oo Daacish u aragta war farxad leh ayna soo dhoweeyeen…


Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa maalmo kahor duqeyn ku dilay Jeneraal Qaasim Sulemani oo ahaa taliyihii ciidamada gaarka Qudus ee Kacaanka Iiraan u qaabilsanaa howlgalada dibadda.

Dilka Jeneraalkan awooda badan ku dhax lahaa Iiraan aadna looga jeclaa ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay, waxa uuna dilka sargaalkan uu abuuray xiisad dagaal oo u dhaxeysa dowladaha Iiran iyo Mareykanka.

Kooxda khilaafada Islaamka ee Daacish ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay ku faraxday ayna soo dhaweynayaan dilkii magaalada Baghdad loogu geystay Jeneraal Qaasim Sulemani.

Warka ay soo saartay kooxda Daacish ayaa lagu sheegay in dilka Jeneraal Qaasim uu faa’iido u yahay kooxaha jihaaddoonka ah ,waxa ayna Daacish sheegtay in Jeneraal Qaasim iyo saraakiil kale ku baxeen gacanta xulufadooda.

Waxa ay kooxda Daacish sheegtay in cadowgooda ay isku jeedsadeen oo ay dagaalamayaan taasi oo tabartooda sare u qaadaysa islamarakana ugu dambeyntii ay ka faai’idi doonaan.

Ciidamada uu taliyaha u ahaa Jeneraal Qaasim iyo maleeshiyaad ay taageeraan ayaa dagaal kula jiray kooxda Daacish ee ka dagaalanta qeybo kamid ah dalalka Siiriya iyo Ciraaq.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8456 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: