Wararka

Raggii Caa’isha dilay oo la qisaasi doono bisha February sida Puntland shaaca ka qaaday…


Puntland ayaa waxay shaaca ka qaaday in bisha soo socota ee February la toogan doono raggii loo xukumay inay mas’uulka ka ahaayeen kufsigii iyo dilkii Caa’isha Ilyaas Aadan.

Caa’isha Ilyaas oo 12 jir ahayd ayaa waxaa bishii February ee sanadkii 2019 lagu kufsaday Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, iyadoona kufsiga ka dib la dilay.

Maxkamadaha kala duwan ee Puntland ayaa xukun dil ah ku riday saddex nin oo dhalinyaro ah, kuwaa oo lagu helay inay falkaasi gaysteen.

Maxamuud Xasan Aw Cismaan, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland ayaa sheegay in raggaasi la toogan doono 11-ka bisha February, iyadoo lagu toogan doono fagaare ku yaala Magaalada Boosaaso, saacadda marka ay tahay 8:00am (Subaxnimo).

Kufsiga Caa’isha Ilyaas loogu gaystay Magaalada Gaalkacyo ayaa kiciyay dareenka shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba, waxaana magaalooyinka dalka qaarkood ka dhacay bannaanbaxyo looga soo horjeeday falkaasi.

Qoyska iyo ehelada Caa’isha Ilyaas ayaa waxay iska diideen inay qoysaska saddexdaasi nin ee kufsiga gaystay kala xaalaan wixii dhacay, waxayna taasi bedelkeeda dalbadeen in loo qisaaso.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8418 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: