Wararka

Al-Shabaab oo goob fagaaro ah deegaanka sablaale ku toogatay afar ruux oo siyaabo kala…


Ururka Al-Shabaab ayaa goob fagaaro ah deegaanka Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku toogeen Afarx ruux oo ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen dowladda Soomaaliya.

Raggan ay Al-Shabaab toogteen ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ayuub Xassan Buraale oo ay sheegeen in maamul hoosaadka degmada Kuntuwaarey,

Xassan Cusmaan Cali Abayle oo ay Shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada dowladda ee degmada Baraawe ka howlgallaan aadna looga yaqaanay degmadaas.

Xassan Faarax Maxamad ayey ku sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada dowladda, isla markaana ay qabteen isaga oo ku sii socda sida ay hadalka u dhiggeen degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

Qofka Afaraad oo ah Xuseen Xassan Geelle ayey ku eedeeyeen in uu ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, islamarkaana laga soo qabtay deegaanka Dacaaraha oo u dhaw degmada Qor-yooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ma’aha markii ugu horreysay oo Al-shabaab sidan oo kale goob fagaarro ah ku toogtaan dad ay ku eedeeyeen in ay siyaabo kala duwan ula shaqeynayeen dowladda Soomaaliya iyo quwadaha shisheeye ee gacanta siiya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8456 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: