Wararka

Kenya oo xaqiijisay in seddax macalin oo aan u dhalan Waqooyi Bari lagu dilay Weerar…


Dowlada Kenya ayaa xaqiijisay in seddax macalin oo aan u dhalan gobolka Waqooyi Bari xalay lagu dilay weerar lagu tuhmayo inay ka dambeysay Al-Shabaab oo ay ku qaadeen waaxda Kamuthe oo ka tirsan degmada Fafi ee Ismaamulka Garissa.

Isku duwaha booliska ee gobolka Waqooyi Bari Paul Soi ayaa xaqiijiyay in macalimiintan lagu qaarijiyay weerar dhacay abaara 02:30 Daqiiqo.

Soi ayaa intaa raaciyay in ay wadaan baaritaanka qaabka uu weerarkan u dhacay maadaama deegaanka la weeraray uusan u dhoweyn xuduuda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

Dhanka kale weerarkan ayaa cabsi ku abuuray dadka deegaanka waxaana hadda maqan adeegii Isgaarsiinta kadib markii dagaalamayaasha ay burburiyeen taawarka shirkada Safaricom.

Xildhibaanka degmada Fafi u matala aqalka Baarlamaanka Kenya mudane Cabdikariin Cusman Rati ayaa u xaqiijiyay Universal weerarkan waxaana uu ugu baaqay ciidanka Amniga in dabagal ay ku sameeyaan kooxihii ka Danbeeyay.

Weerarkan ayaa imaanaya todobaad uun kadib markii arday Soomaali ah lagu dilay weerar ka dhacay iskuulka hoose ee Sareedo oo ku yaal degmada Dadab.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8445 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: