Wararka

M/weynaha maamulka Puntland oo xil ka qaadis ku sameeyey Gudd. Maxkamada Ciidamada iyo…


Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiye ku meel gaar ah u magacaabay Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada culus ee Puntland.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu xil ka-qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo garsoorayaal kale oo gaaraya illaa shan xubnood.

  1. Waxaa G/Sare. Axmed Cabdi Bootaan si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.
  2. Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyey Guddoonka iyo Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Ciidamada qalabka sid, kuwaasi oo kala ah:

2.1. S/guuto. Siciid Abyan Cigaal Guddoomiye
2.2. G/sare. Maxamuud Nuur Muuse Guddoomiye ku-xigeen
2.3. G/sare. Aadan Xuseen Maxamed Garsoore
2.4. G/sare. Maxamed Aadan Jaamac Garsoore
2.5. G/sare. Cabdirisaaq Axmed Cali Garsoore
2.6. G/sare. Cabdifitaax Xaaji Aadan Garsoore

Madaxweyne Deni ayaa magacaabistaan ku tilmaamay dib-u-habeyn lagu sameynayo guddoonka iyo garsooreyaasha Maxkamadaha Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Puntland.

24-kii saac ee lasoo dhaafay, waxaa madaxweyne Deni uu sidoo kale magacaabay mas’uuliyiin kala duwan oo ay kamid ahaayeen guddoomiyaha baanka dhexe, ku xigeenkiisa iyo guddoomiyayaal degmo iyo kuwo gobol.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8418 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: