Wararka

Heshiiskii lagu doonayay in lagu dhex dhaxaadiyo qeybaha isku heysta Libya oo laga cabsanayo…


Jenaraalka Mucaaradka ee dalka Liibiya Khaliifa Haftar ayaa ka tagay magaalada caasimada ah ee Moscow isaga oo aan saxiixin heshiiska lagu doonayay in lagu abuuro xabad joojin nabadeed oo ka hirgasha Liibiya.

Kadib wadahadal saacado qaatay oo ay garwadeen ka ahaayeen dowladaha Turkiga iyo Ruushka ayaa Jenaraal Haftar wuxuu dalbaday in dib loogu dhigo ilaa subaxnimada saaka oo talaado Ah.

Heshiiskan ayaa waxaa qalinka ku duugay Rai’isul wasaaraha dowlada caalamka aqoonsan yahay ee Fayez al-Sarraj oo fadhigiisu yahay magaalada Tripoli.

Wasaarada arimaha dibada Ruushka ayaa xaqiijisay in Jenaraal Haftar laga sugayay jawaab saaka, balse uu isaga tagay magaalada caasimada ah ee Moscow.

Wadahadalka bilowday isniintii shalay ayaa imaanaya maalin uun kadib markii xabad joojin nabadeed ay ku heshiiyeen dhinacyada ku dagaalamaya Liibiya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8445 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: