Wararka

Iska horimaad dhex maray ciidamada bilayska militariga iyo ciidamada sirdoonka Sudan…


Iska horimaad ayaa dhex maray bilayska militariga iyo ciidammada guud ee hawlgallada Sirdoonka Sudan maanta degmada Kafoury ee magaalada Khartoum Baxri iyo qeybo kale ee caasimadda Sudan ah.

Waxaa halkaasi ka dhacay Israsaaseyn xooggan ka dib markii ciidamo ka tirsan sirdoonka ay ka sameeyeen mudaaharaadyo sedex ka mid ah goobahooda, iyaga oo dalbanayey xuquuqdooda adeegooda kadib, kadib markii la gaaray go’aanka ah in la joojinayo adeegga sirdoonka, isla markaana ciidanka uu diiday in uu ka mid noqdo oo ay ku biiraan ciidamada taageerada degdega ah.

Mas’uuliyiinta ayaa bedelay magaca Hay’adda Howlgalada, oo ay ka kooban yihiin 13 kun oo dagaalyahanno ah, waxaa la weydiistay inay ku biiraan ciidamada Rapid Support, laakiin hay’ada ayaa diiday doorashadan.

Xubin ka tirsan Golaha Siyaadada, Lt. Gen. Shams al-Din al-Kabbashi, ayaa ku tilmaamay waxa socda “kacdoon millatari”, isaga oo aan meesha ka saarin ikhtiyaarka ah in xoog loo adeegsado.

Wuxuu yiri “Mas’uuliyiinta sare ee Khartoum waxay qaateen go’aanno badan oo lagu xakameynayo kacdoonkan, inta lagu jiro saacadaha soo socda, xasillooni ayaa ku soo noqon doonta caasimadda.”

“Ma caddayn karo ama mana beeneyn karo in ay jiraan arrimo siyaasadeed oo ka dambeeya waxa socda, oo aan ahayn kaliya shaqooyinkooda oo ay u baahan yihiin.

Rai’sul wasaaraha Sudan Abdalla Hamdouk ayaa u laab qaboojiyey muwaadiniinta, isagoo carabka ku dhuujiyey in xaalku gacanta lagu qabtay.

Wuxuu intaas ku daray in dhacdooyinkan “aysan joojin doonin socodkeenna isla markaana aysan noo horseedi doonin inaan ka laabanno yoolalka kacaanka, waxayna muujinayaan baahida loo qabo in la xaqiijiyo iskaashiga hadda jira”, isagoo ku celceliyay “kalsoonida ciidamada iyo ciidamada caadiga ah iyo awoodooda ay ku xakameyn karaan xaaladda.”

Marka laga hadlayo Muhammad Hamdan Daglo (Hamidati), kuxigeenka madaxa Golaha Siyaadada, wuxuu ku eedeeyay agaasimihii hore ee sirdoonka, Salah Gosh, inuu ka dambeeyay dhacdooyinkaas.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8445 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: