Wararka

M/weynaha Austria oo warqadaha aqoonsiga Danjirinimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee…


Madaxweynaha Dalka Austria Alexander van Der ayaa warqadaha aqoonsiga danjirinimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee dowlada Soomaaliya u magacowday dalkaas Ebyan Maxamed Saalax Ladane.

Safiirka Soomalaiya u magacaawdey dalka Austria danjire Ebyan Maxamed Saalax Ladane ayaa uga mahad celisey Madaxweynaha dalkaas soo dhoweynta loo sameeyey, iyadoo balan-qaaday iney xoojin doonto xiriirka saaxiibtnimo ee ka dhexeeya labada dal.

Madaxweynaha Austria Alexander van Der Bellen ayaa sheegay in dowladiisu ay diyaar u tahay inay la shaqeyso Safiirka cusub ee Soomaaliya, wuxuuna xusay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer oo muddo dheer soo jiray iyo iskaashi dhinacyo badan taabanaya.

Ebyan ayaa sidoo kale ah Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Switzerland iyo xarunta Labaad ee Qaramada Midoobey ee Magaalada Geneva.

Ebyan1.jpg

“Waxaa sharaf ii ahayd inaan u gudbiyo warqadihii aqoonsiga ee Danjirenimo Mudane Alexander Van der Bellen, Madaxweynaha Dalka Austria, fadhigayguna yahay Geneva, Switzerland. Xafladda, waxaa igu weheliyey Mr. Salah Moallim Abubakar oo ah Xoghayaha Labaad ee Safaaraddeena, Geneva ee Waddanka Switzerland” ayey boggeeda facebook ku soo qortay danjire Ebyan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8456 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: