Wararka

M/weynayaasha Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo shir uga furmaya magaalada Baydhabo…


Waxaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay uu shir uga furmo madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle

Shirkan oo looga hadlayo hormarinta mashaariicaha kala duwan ayaa waxaa wadajir u soo qabanqaabiyay Wasaarradda Qorsheynta Dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed iyo Midowga Yurub.

Axmed Madoobe Nuunoow oo ah Wasiirka Wasaarradda Qorsheynta maamulka Koonfur Galbeed ayaa warbaahinta u sheegay in sidoo kale shirkan si gaar ah diirrada loogu saari doono hormarinta mashaariicda kala duwan ee Labada maamul Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, waxaana shirkan ka qeybgali doona safiirro ka socda Midowga Yurub.

Waxaa uu sheegay in sidoo kale inay shirka looga hadli doono sidii labada maamul ay isaga kaashan lahaayeen mashruuc uu bixinayo Midowga Yurub, kaasoo oo ku saabsan kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta Labada Dowlad Goboleed

Shirkan sidoo kale waxaa ka marneyn oo mudada uu socdo leyskula eegi doonaa sidii wax looga qaban lahaa Fatahaaddaha ku soo noqnoqday marar badan deegaanno ka tirsan labada maamul gaar ahaan gobolka Hiiraan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8445 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: