Wararka

Xubno ka tirsan al-Shabaab oo lagu qabtay Toora-Toorow oo la geeyey magaalada Mogadishu…


Xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab oo lagu qabtay deegaanka Toora Toorow ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa la keenay Magaalada Muqdisho.

Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka tirsan Xoogga Dalka ayaa Isniintii shalay bilaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta Toora Toorow, waxaana u suurta-gashay inay gacanta ku soo dhigaan toban xubnood oo Shabaab ka tirsan, kuwaa oo laba ka mida ay Saraakiil yihiin.

Ismaaciil Mukhtaar Cumar (Oronjo), Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta ayaa xaqiijiyay in Magaalada Muqdisho la keenay tobankii xubnood ee lagu qabtay deegaanka Toora Toorow.

Afhayeenka ayaa sharaxaad ka bixiyay waxa ay isugu jiraan xubnaha lagu qabtay hawlgalkii Toora Toorow, isagoona cadeeyay in laba ka mida ay horjoogayaal yihiin.

“Ciidanka Danab oo hawlgal qorsheysan ku qaaday Toora Toorow ayaa waxaa u suurta-gashay inay gacanta ku soo dhigaan Madaxii Garsoorka ee Maxkamadda Al Shabaab ee Toora toorow, Macalin Abuukar iyo Madaxii Zakaawaat-ka ee Al Shabaab. Waxaana lala soo qabtay sideed kale oo ka tirsan argagixisada Al Shabaab.” Ayuu yiri Afhayeenka oo la hadlay Warbaahinta gudaha.

Ismaaciil Oranjo ayaa sheegay in deegaanka Toora Toorow uu ahaa mid ay Shabaabka ku dhibaateen jireen shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena ay qaraxyada ka soo abaabuli jireen, sida uu yiri.

Al Shabaab ayaan ka hadlin gulufka ciidan ee looga kiciyay deegaanka Toora Toorow oo muddo dheer, ay ka arrimineysay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8458 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: