Wararka

Kooxaha ka soo horjeedo joogitaanka ciidanka Mareykanka ee Ciraaq oo shacabka ugu…


Xoghaye ku xigeenka dhaqdhaqaaqa Al-Nujuba ee dalka Ciraaq ayaa ugu baaqay shacabka dalkaasi ay qaataan go’aan ay iskaga xoreynayaan ciidanka Mareykanka.

Naasir Al-Shamaari ayaa sheegay hadii uu shaqeyn waayo mooshinkii Baarlamaanka ay ku mamnuuceen joogitaanka ciidanka Ajnabiga ay taasi macnaheeda noqon doonto in shacabka Dagaalamaan.

Wareysi uu siinayay Tv-ga afka carabiga ku hadla ee Mayaadiin ayuu sheegay in Baarlamaanka xitaa aan looga baahneyn in mooshin ay ka keenaan ka bixitaanka milatariga Mareykanka.

Al-Shamaari ayaa intaa ku daray in markii hore ay ku joogeen ogolaanshaha xukuumada loona baahan yahay in xukuumada ay xuluto dalabka lagu Saarayo ciidanka Ajnabiga.

Todobaad ka hor ayay aheyd markii shirqool la soo maleegay ay ciidanka Mareykanka ku dileen Jenaraal Qaasim Suleymaani oo ku sugnaa agagaarka madaarka caalamiga ah ee magaalada Baghdad.

Talaabadan ayaa dhalisay naceyb xoogan oo shacabka Ciraaq ay u qaadeen Milatariga Mareykanka ee dagaalka kula jira kooxda Daacish.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8456 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: