Wararka

Mareykanka iyo Shiinaha oo lagu wado maanta inay kala saxiixdaan heshiis ganacsi…


Labada waddan ee ugu dhaqaalaha badan caalamka ee kala ah Mareykanka iyo Shiinaha, ayaa lagu wadaa in ay maanta oo Arbaca ah kala saxiixdaan heshiis ganacsi.

Inkasta oo ay jirto boqollaal bilyan oo dollar oo canshuur kordhin ah oo labada dhinac isugu jawaabeen, haddana heshiiska maanta qeyb kama noqon doonto khafiifinta tacriifta labada dhinac ay dul-dhigeen badeecadaha ay isu dhoofiyaan.

Canshuur kordhinta ayaa sideeda sii ahaan doonto ilaa laga gaaro doorashada madaxtinimada Mareykanka ee uu bisha November madaxweyne Donald Trump kula tartami doono musharraxa ka imaan doona xisbiga Dimoqraadiga.

Wajiga koowaad ee heshiiska labada waddan ayaa waxaa ugu weyn in Shiinaha uu muddo kooban iibsado miraha iyo wax soo saarka ka yimaada Mareykanka. Faah-faahinta kale ee heshiiska ayaa soo bixi doonta marka ay saraakiisha labada dhinac maanta ku saxiixaan Aqalka Cad ee magaalada Washington.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8457 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: