Wararka

Puntland oo shaacisay in Ethiopian Airlines ay duulimaad ka bilaabi doonto Magaalada Bosaso…


Puntland ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ay duulimaad caalami ah ka bilaabeyso magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Garoomada iyo duulista hawada ee Puntland Cismaan Cali Yuusuf (Xoosh) ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebooga ku sheegay in diyaaradaha Ethiopian Airlines ay 3 jeer toddobaadkii ka dagi doonto garoonka Bosaaso.

“Duulimaadka koowaad waxa uu bilaaban doona 03-02-2020, waxa ayna diyaaradu asbuuc kasta ka dagaysa 3 maalmood insha Allah, haddii ay suuq heshana sida Garowe bay duulimaad maalinle ah bilaabi doonta” ayuu yiri Agaasimuhu

Wuxuu intaas ku daray in duulimaadyada shirkadda Ethiopian Airlines ee Bosaso ay ku xirnaan doonto hadba sida uu noqdo dalabaadka.

Bosaso ayaa noqoneysa magaaladii 3aad ee ka tirsan Somalia oo shirkadda Ethiopian Airlines ka bilowdo duulimaad caalami ah, waxayna shirkadan horey duulimaadyo uga bilowday magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8445 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: