Wararka

Ciidamada Soomalia oo sheegay in ay howlgal ku dileen madaxii qaraxyada ee al-Shabaab…


Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal xalay saqdii dhexe ay ka sameeyeen degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose ku dileen madaxii Qaraxyada u qaabilsanaa Ururka Al-shabaab

Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik oo u hadlay Guutada DANAB ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgalka oo laga fuliyay degmada Wanlaweyn shaqsiga ka hor inta aan la toogan uu la dagaalamay ciidamada howlgalka ku jiray, sida uu hadalka u dhigay.

Qofka la dilay ayuu magaciisa ku sheegay Maxamed Cismaan Xusseen Buluush oo ay ku eedeeyeen in uu Al-shabaab uga madax ahaa Howlgalada Qaraxyada.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira sheegashada dowladda ee Sooamaaliya.

Dhawaan ayey aheyd howlgal ciidamada dowladda ay sidoo kale ka sameeyeen deegaanka Tooratooroow lagu dilay xubno sarsare oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8445 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: