Wararka

Gal dacwadeed ka dhan ah Trump oo la doonayo in xilka looga tuuro oo loo gudbiyey Aqalka…


Koox ka tirsan maamulka golaha wakiillada Mareykanka oo ay horkaceyso guddoomiyaha golahaasi Nancy Pelosi ayaa shalay oo Arbaca aheyd saxiixay una gudbiyay aqalka sare gal-dacwadeedkii ka dhanka ahaa madaxweyne Donald Trump kaas oo lagu doonayo in xilka looga tuuro, dacwadana lagu soo oogo.

Dhageysiga dawadda ayaa maxkamadda ka bilaabaneysa maalinta Talaadada ah ee inagu soo fool leh.

“Maanta waxaan abuurmeysaa taariikh, oo waxaan gudbiineynaa gal-dacwadeedka madaxweyne ku takrifalay xilkiisa, una adeegsaday danihiisa gaarka ah”, ayay tiri Nancy Pelosi oo ah hogaamiyaha golaha wakiillada Mareykanka.

Go’aankan lagu gudbiyay gal-dacwadeedka ayuu golaha wakiillada ansixiyay isla shalay oo Arbaca aheyd, waxaana ansixiyay 228, halka ay 193 kasoo horjeysteen.

Inta ansixisay ayaa waxaa ay dhammaantood wada ahaayeen wakiillo xisbiga Dimiqiraadiga kasoo horjeeda kuwaas oo doonaya in madaxweynaha maxkamad lasoo taago.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8445 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: