Wararka

Loolan siyaasadeed oo adag oo ka socda magaalada Dhuusamareeb oo la isku baheystay…


Loolan siyaasadeed oo xoogan ayaa ka soconaya Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, iyadoona uu u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo dhinacyada kale ee siyaasad ahaan ka soo horjeeda.

Dowladda Federaalka ayaa waxaa toddobadyadii la soo dhaafay lagu eedeynayay inay fara-gelin khaawan ku hayso doorashada Galmudug, xilli hadafkeeda lagu sheegay sidii ay doorashadaasi ugu soo saari laheyd musharax ay wadato.

Dowladda Somalia ayaa waxaa lagu eedeeyay inay muruq iyo maalba ku bixisay, sidii musharax Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) natiijo wanaagsan uga keeni lahaa Doorashada Madaxtooyada Galmudug.

Siyaasiyinta Xisbiyada KMG ee dalka ka dhisan ayaa waxaa Magaalada Dhuusamareeb ka joogga wakiilo matelaya iyo musharaxiin, ay la doonayaan inay ku soo baxaan tartanka ay la gelayan musharaxa la sheegay in laga taageerayo Madaxtooyada Somalia.

Saddex ka mid ah musharaxiinta mucaaradka ayaa Arbacadii shalay waxay Magaalada Dhuusamareeb ku samaysteen isbahaysi ay ku doonayan inay doorashada kaga reebeen Qoor Qoor.

Musharaxiinta kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), Cabdullaahi Faarax Wehliye iyo Kamaal Daahir Guutaale ayaa ah musharaxiinta ku midoobay Magaalada Dhuusamareeb.

Odayaasha Dhaqanka ee Galmudug oo Dowladda Federaalka ku eedeeyay inaanay dhexdhexaad ka ahayn doorashada Galmudug ayaa ka digay in lagu guuldareysto dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Doorashadan ayaa waxaa la saadaalinaya inay ka adkaan doonto middii 19-kii bishii December ee sanadkii 2018 ka dhacday Magaalada Baydhabo, Madaxweynaha Koonfur Galbeed-na loogu soo doortay Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), oo loo arkaayay mid ay taageereysay Villa Somalia.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8456 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: