Wararka

M/weynaha Jubbaland oo ka hadlay safarkiisa Puntland oo ku sheegay sidii labada maamul…


Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay socdaal uu maanta ku tagay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo uu ku qaabilay madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka hadlayay shir jaraa’id ayaa sheegay in socdaalkiisa uu daaran yahay sidii ay Puntland uga wada hadli lahaayeen arrimaha labada maamul ay kawada midaysan yihiin iyo danaha guud ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ayaa isna dhankiisa sheegay in Puntland iyo Jubbaland ay ka midaysan yihiin arrimaha siyaasada Soomaaliya, ayna wax isla meel dhigi doonaan inta ay wada joogaan.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay Puntland inay gacan weyn ka geysatay doorashadii madaxweyne Axmed Madoobe uuna ku faraxsan yahay socdaalkiisii ugu horeeyay inuu Puntland ku yimid.

Mas’uuliyiinta ayaa la filayaa inay yeeshaan kulan gaar ah kahor inta aysan wajahin xubno katirsan beesha caalamka oo la filayo in maalinta berito ay kula shiraan magaalada Bosaso.

Shan beri ka hor, safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Yamamota ayaa tagay Bosaso, isagoo kula shiray madaxweyne Deni.

Beesha caalamka ayaa horey ugu baaqday in hoggaamiyayasha siyaasada Soomaaliya ay xal ka gaaraan khilaafka ka dhextaagan, iyagoo ka digay in waqtiga lagu lumiyo isqabqabsi mugdi galin kara doorashada Soomaaliya oo ay beesha caalamku taageerayso.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10897 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: