Wararka

Mikhail Mishustin ayaa loo magacaabay R/wasaaraha Ruushka kadib markii uu iscasilay…


Mikhail Mishustin 53-jir ayaa loo magacaabay in uu noqdo R/wasaaraha cusub ee dalka Ruushka kaddib markii uu shalay is-casilay R/wasaarihii hore Medvedev.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa magacaabistan sameeyay maalin kadib markii uu warqadda istiqaalada uu u dhiibay R/wasaarihii hore Dmitri Medvedev.

53-jirkaan loo magacaabay jagada R/wasaarenimada dalka Ruushka ayaa muddo 10 sano ah waxa uu ka shaqeynayay arrimaha canshuuraha, isagoona jago sare ka hayay waaxda canshuuraha dalkaasi.

Xukuumadda Medvedev ayaa shaqeyneysay tan iyo sannadka 2012-ka, waxaana uu sidoo kale soo qabtay Mevedev xilka madaxweyne ee dalkaasi inta u dhaxeysay 2008 iyo 2012.

R/wasaare Medvedev ayaa ahaa gacanta midig ee madaxweyne Putin, waxaana uu lasoo shaqeynayay tan iyo intii uu xukunka soo fariistay madaxweyne Putin 20 sano ka hor.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8445 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: