Wararka

Ninka Fanaanada Caanka ah ee Nancy Ajram oo dacwadiisa loo gudbiyey garsooraha dilkii…


Garyaqaanka Guud ee maxkamada Rafcaanka ee Mount Lubnaan ayaa ku eedeeyay ninka qaba fanaanada caanka ah Nancy Ajram ee Fadi Al-Hashem dembiga dil oo uu u geystay muwaadin reer Siiriya ah oo lagu magacaabi jiray Mohammed Al-Mousa, waxaana xukunka loo gudbiyay garsooraha Mount Lubnaan si uu baaritaan ugu sameeyo.

Qareenka difaacaya Fadi Al-Hashim ayaa bayaan ku sheegay “lama yaabin sheegashada hadda ee ah in dariiqa dabiiciga ah uu yahay faylka in loo gudbiyo garsooraha koowaad ee baarista ee Mount Lubnaan, annagoo hubinayna in garsooraha baarayaa uu soo saari doono go’aan tixgalinaya in Dr. Fadi Al-Hashim ficilkiisa uu ahaa isdifaacid sharci ah.” .

Garsoorka Lubnaan ayaa soo saaray Axadii go’aan lagu xirayo fanaanada ninkeeda kaasi oo toogtay muwaadin Suuriyan ah, iyadoo loogu marmarsiyooday inuu guriga u dhacay si uu wax u xado.

In kasta oo sheekooyin kale ay sheegayaan in ninka dhallinyarada Siiriyaanka ahaa uu u shaqeynayey fanaanada Nancy Ajram iyo ninkeeda, oo aanuu helin wax xuquuq ah muddo dheer una tagay guriga si uu u dalbado.

Nancy oo ka tacsiyadeysay
Dhinaca kale, Nancy Ajram ayaa u tacsiyadeysay qoyska ninka dhintay, waxayna xaqiijisay waxa dhacay inay aheyd “jawaab celin dabiici ah aabe arkay nin qalaad oo galaya gurigiisa, waxay ku dartay xataa haduu ahaan lahaa Lubnaani ama qof ehelkiisa ah sidaasi ayuu ula dhaqmi lahaa”.

Dhinaca kale, qoyska qofka dhintay ayaa beeniyay in wiilkooda uu wax shaqo ah ku leeyahay eedeymaha loo haysto, waxayna caddeeyeen inuu u shaqeynayay Nancy Ajram, qoyskuna ay u arkeen waxa dhacay isku day lagu doonayo in lagu qariyo wixii dhacay.

Marka intaasi oo dhan laga soo tago, dhibbanaha hooyadiis ayaa tiri, “Tani waa riwaayad ay alifeen, oo ay soo saareen, sida lagu arkay fiidiyowga kaasi ma aha wiilkayga. Ma jiro tuug wax ku xaday qori caag ah?”

Dhacdadan ayaa wali ka shidan baraha bulshada, halka qaar kamid ah ay la xanuunsadeen fanaanada reer Lubnaan oo ay u arkaan ficilkooda is difaacid, halka kuwa kale ay su’aal galiyeen sheekada Ajram iyo ninkeeda, iyagoo xusaya in ninka dhintay uu kamid ahaa shaqaalaha gurigeeda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8418 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: