Wararka

Rai’isul wasaaraha Ruushka Dmitry Medvedev iyo dowladiisa ayaa iscasishay iyagoo siinaya…


Rai’isul wasaaraha Ruushka Dmitry Medvedev ayaa arbacadii iscasilaada dowladiisa u gudbiyay madaxweyne Vladimir Putin, talaabo kadis ah oo daba socotay khudbad uu jeediyay Putin oo ku dhawaaqay dib u habeynta dastuurka.

Medvedev – waa qof aad ugu dhow Putin – wuxuu telefishanka u sheegay ( annaga ka xukuumada Ruushka Federaalka ahaan waxaa na saaran inaan siin wado Madaxweynaha uu ku gaari karo waxyaabaha loo baahan yahay, sababtaa darteed xukuumada wey iscasishay nooceeda hadda)..

Wuxuu cadeeyay inuu is casilay kadib go’aankii madaxweynaha ee ahaa inuu “isbadal asaasi ah ku sameeynayo dastuurka Ruushka”, isagoo tixgalinaya in dib u habeeyntaasi wax ka badali doonto awoodaha fulinta, sharci dejinta iyo garsoorka iyo “dheelitirka awooda”.

Wax ka beddelka dastuurka
Dhiniciisa, Putin wuxuu soo jeediyay isbadallo taxane ah oo khuseeya dastuurka Ruushka kaasoo baarlamaanka siinaya awooda magacaabida Rai’isul Wasaaraha, kaasoo hadda ka mid ah awoodaha Madaxweynaha xilligan.

Putin wuxuu faray Medvedev inuu sii wado waajibaadkiisa doorka Ra’iisul wasaaraha ilaa laga soo dhisayo dowlad cusub.

Khudbad uu telefishinka ka jeediyay, Putin wuxuu ku sheegay in Medvedev loo magacaabi doono ku-xigeenka Golaha Amniga Qaranka ee Ruushka, oo uu guddoomiye u yahay madaxweynaha.

Hadaladaas ayaa dhaliyay wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in Putin laga yaabo inuu ka fiirsanayo inuu ku laabto jagada Rai’isul wasaaraha kadib markii afaraad oo uu xafiiska qabtay ay ka harsan tahay afar sano.

Waxaa la soo sheegayaa in Putin oo jira 67 sano, awoodaha madaxweyne ama ra’iisul wasaare ayuu hayaa muddo labaatan sano ah, sidaas darteedna uu yahay Madaxweynihii ugu horreeyay ee Ruushka ama Soviet-ka ee xukunka haya muddada ugu dheer ilaa Joseph Stalin.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8456 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: