Wararka

Shan xubnood oo isugu jiray odayaal iyo siyaasiyiin oo dhowaan la xukumay oo cafis loo…


Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa cafis ufidiyey 5 xubnood oo dhowaan Xukun Maxkamadeed uu ku dhacay.

Madaxweynaha DG Puntland ayaa sheegay inuu tixgeliyay Xaaladaha Caafimaad iyo Da’ ahaaneed ee xukumanayaasha cafiska loo fidiyay.

Waa markii labaad oo cafis loo fidiyo qaar kamid ah maxaabiistaan oo loo xiray kadib markii uu maamulku ku eedeeyay inay faraha kula jireen arrimo siyaasadeed iyo qalqal gelin ammaanka Puntland.

Waxay kala yihiin:

1.1. Muuse Cali Jaamac Ina Caasho Ciise 70 jir ah

1.2. Cabdullaahi Yuusuf Buuxe Ina Faadumo Shire 60jir ah

1.3. Cawad Ceel Maxamed 70 jir ah

1.4. Cabdicasiis Baydhabo Axmed Ina Shamis Siciid 47 jir ah

1.5. Maxamuud Aadan Rooble ina Mumino Maxamud 60 Jir ah.

Xafiiska xeer ilaalinta guud ee Puntland ayaa soo diyaariyay Codsiga Cafiska Maxaabiista Xukuman, kadibna madaxweynaha ayaa oggolaaday oo amray in lasii daayo maxaabiistan.

Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Bari, ayaa dhawaan odayaashan ku xukuntay xabsiyo udhexeeyay saddex bilood illaa 2 sano.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8456 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: