Wararka

Wasiiru dowlihii Arrimaha Guddaha oo ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu u hayay…


Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumada Somalia Cabdullaahi Faarax Weheliye ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaas.

Cabdullaahi Faarax Weheliye ayaa sheegay inuu yahay musharax u taagan doorashada Madaxweynaha Galmudug sidaas awgeedna uu isku casilay.

Musharax Cabdullaahi Faarax ayaa Ra’isul wasaare Kheyre iyo saaxiibadiisii Xukuumadda uga mahadceliyey wada shaqeyntii dhexmartay intii ay ka wada tirsanaayeen Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa shir uu ku qabtay Dhuusamareeb ku sheegay in Xukumadu ay faragelin toos ah ku heyso dhismaha maamulka Galmudug, isagoo tilmaamay in handadaad lagu hayo Xildhibaanada cusub.

Cabdullaahi Faarax Weheliye ayaa noqonaya wasiirkii labaad ee 24 saac gudahood iska casila xukuumada RW Khayre markii Wasiiru-dowlihii Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumada Soomaaliya Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) uu ku dhawaaqay inuu xilka iska casilay ka dib markii uu ka mid noqday musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Galmudug.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8456 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: