Wararka

Manchester City oo luudeysa oo laga shakisan yahay inay difaacan karto horyaalka…


Gool ay iska dhalisay Manchester City ayaa Crystal Palace u horseeday inay dhibic qiimo leh ka hesho, ka dib markii ay barbaro 2-2 ah isla dhaafi waayeen Sabtidii wareegii 23aad ee Horyaalka Ingiriiska.

Wareega 23aad ee horyaalka ayaa waxaa lagu arkay sidoo kale Tottenham oo barbaro la gashay Watford 0-0, Arsenal oo Sheffield United 1-1 isla dhaafi waayey, Brighton iyo Aston Villa oo isla natiijadaasi ku kala baxay, Westham iyo Everton oo 1-1 ku kala baxay, waxaa guuleysatay Wolverhampton oo ka badisay Southampton 3-2, Norwich City ayaa Bournemouth 1-0 ku garaacday.

“Citizen” ayaa leh 48-dhibcood booska labaad ayey ku jiraan, halka Crystal Palace ay leedahay 30 dhibcood oo ku jirto kaalinta 9aad.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8781 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: