Wararka

Milkiilaha Shirkada Amazon oo ugu deeqay 1 milyan oo dollar-ka Australian-ka dabka ka…


Bilyaneerka Mareykanka ah iyo milkiilaha shirkadda Amazon Jeff Bezos ayaa ugu deeqay hal milyan dollarka Australian ah (qiyaastii 690,000 oo doollarka Mareykanka ah) oo laga bixiyey xisaabta shirkadihiisa loona wareejiyey dhibanayaasha dabka ka kacay kaymaha Australia, wuxuuna qoraal ku soo qorey bartiisa Instagram-ka, ku sheegay “Qalbiyadeenna waxay la jiraan dadka Australiyaanka ah ee wax ka qabanaya dabka halakeeyey keymaha.

Amazon waxay ku deeqday hal milyan oo doollarka Australiyaanka ah si loogu caawiyo dhibanayaasha.

Jeff ayaa u dabaaldegay dhalashadiisa Isniinta, wuxuuna weli yahay ninka adduunka ugu taajirsan, isagoo weli ka horeeyo Bill Gates, in kastoo 2019 ay la soo gudboonaatay masiibo dhaqaale, kadib markii ay kala tageen xaaskiisa oo hantidii la kala gooyey.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8781 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: