Wararka

Arday luqadaha ka baraneysay college ku yaalla xaafada Islii ee Nairobi oo la xiray…


Inkabadan konton ruux oo soo galooti ah ayaa ciidanka booliska Kenya ku xireen college ku yaal xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid lagu beegsanayo xarumaha waxbarashada ee diiwaanka ku Jirin.

Dhamaan dadka la xiray oo u badnaa arday Soomaali ah ayaa dhiganayay College-ka Alison Community ee lagu barto Luuqadaha.

Dhanka kale xaruntan ayaa albaabada la isugu laabay ilaa iyo amar danbe maadaama ay u diiwaangashaneyn waaxda waxbarashada iyo farsamada gacanta Kenya ee loo yaqaan (TVETA).

Agaasimaha guud ee TVETA Mr Kipkirui Langat ayaa sheegay in ciidanka sirdoonka ay ku soo wargaliyeen iyadoo howlgalkan ay fuliyeen booliska u tababaran la dagaalanka Argagixisada.

Dadka la xiray oo dhamaantood ahaa dhalinyaro Soomaali ah oo baranayay luuqada Sawaaxiliga iyo Ingariiska ayaa sharci darro ku joogay Islii halka kuwa kale uu ka dhacay Visihii ay ku joogeen Kenya.

Mid ka mid ah 50 qof ee la xiray ayaa ahaa nin ka soo jeeda Uganda kaasi oo ciidanku sheegeen in uu watay aqoonsi magac dumar ah oo lagu sheegay Mr Mubakari Wedeheye, inkastoo wajigiisa uu dulsaarnaa teesaraha.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8781 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: