Wararka

Wadaad wacdi iyo fatwooyin isugu dari jiray Daacish oo culeykiisu yahay 250 kg oo god laga…


Wadaad wacdi iyo fatwooyin isugu dari jiray kooxda ISIS oo culeyskiisu yahay 254 kiilo ayay ciidamada Ciraaq kasoo saareen hog uu ku dhuumaaleysanayay in muddo ah.

Imam Shifa al-Nima ayaa lagu eedeynayaa in uu yahay ninkii ka dambeeyay amar ama fatwada lagu bur-buriyay goobaha taariikhiga ah ee Ciraaq, waxaana sidoo kale lagu eedeynayaa in uu amray in la laayo wadaadada kale ee ka laba-labeeyay ku biiridda ISIS.

Wadaadkan ayay ciidamadu kasoo saareen hog uu kaga dhuumaaleysanayay hay’adaha ammaanka oo ku yaal magaalada Mosul.

Dhibka jiray ayaa ahaa in wadaadkani eysan ciidamadii soo qabtay ku qaadan waayeen gawaaridii ay wateen, waxaana loogu yeeray wiish iyo gaari weyn oo qaada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (11801 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: