Wararka

Axmed Madoobe iyo Yamamoto oo ka wada hadlay xaaladaha siyaasada iyo amniga Somalia…


Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Khamiis ah 23-Jannaayo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kula kulmay Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Donald Yukio Yamamoto.

Kulanka ayaa lagaga wada hadley xaalada Siyaasada dalka, arrimaha amniga iyo mashaariicda horumarineed ee ay Wakaalada Horumarinta ee Maraykanka (USAID) ka wado deegaanada Jubbaland.

Xaalada siyaasada ee dalka ayay Madaxweynaha iyo Safiirku isla qireen muhiimada ay leedahay wada shaqeynta Dowlada federaalka iyo Dowlad goboleedyada si caqabadaha kala duwan ee dalku kujiro si wadajir ah loogu wajaho xalna looga gaaro.

Sidoo kale kulanka ayaa looga wada hadley arrimaha amniga iyo baahida loo qabo in howlgal loo dhanyahay la qaado kaas oo ay ka qeyb qaadanayaan DFS, Dowlad goboleedyada, Amisom iyo ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, howlgalkaas oo noqon kara xalka ugu dhow ee dalka nabadiidka looga sifeyn karo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey ciidamada Maraykanka ee ku sugan magaalada Kismaayo kuwaas oo la howlgala ciidamada Jubbaland qeybahooda kala duwan ee sida joogtada ah ula dagaalama argagixisada ragaadisay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa Dowlada Maraykanka ugu mahadceliyey Wakaalada Horumarinta ee Maraykanka (USAID) taas oo tiro mashaariic ah ka fulisay deegaanada inta xorta ah ee Jubbaland.

Ugu danbeyn Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya mudane Yamamoto ayaa madaxweynaha Jubbaland uga mahadceliyey sida hagar la’aanta ee uga qeyb qaatay nidaamka deyn cafinta Soomaaliya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: