Wararka

Haweenay ka carareysay wajiga oo ka kaduudma oo aragga weysay kadib markii qaliin…


Haweeney Mareykan ah oo lagu magacaabo Carol Bryan (58-jir) islamarkaana in muddo ah ku shaqeyneysay model-nimo ayaa aragga weysay xilli ay la dagaallameysay duqnimo.

Iyada oo da’da 47 jirto ayay waxa ay gashay qalliin ay wajigeeda ku feereyneyso, iyadoona markaasi la dagaallameysay maqaarka wajiga soo kaduudanaya xilliga uu qofku ka dabatimaado da’da.

Dawooyin markaas lagu duray ayaa waxaa ay sababeen in uu wajigu isku soo dhex daato mudo kadib marki ay suntu ka baxdo, waxaana soo wajahay xannuun iyo arag-been hal il ah.

Waxa ay toban sano kadib iminka gashay qalliin kale oo wajiga loogu feereeyay, balse aragi lagu soo celin waayay.

Duqnimokacarar

Waxa ay iminka warbaahinta ula qeybsatay arrinteeda si ay ugu digto da’yarta damacsan in ay wajiyadooda qalliin qurxin ah ku sameeyaan amaba dadka da’da ah ee duqnimada la dagaallamaya ay iyana arrinkaasi ku dhaqaaqaan.

Waxa ay sidoo kale isa soo bandhiggeeda uga gol-leedahay sidii ay dowladu usoo faro gelin laheyd dhaqankan kusoo badanaya bulshada ee dhakhaatiirta aan khibradda laheyn uga furanayaan magaalooyinka goobaha lagu qurxiyo jirka.

Waxa ku dhacay haweeneydan ayaa ah dabcan in dhakhtarkii qalay uu sun uga muday mid ka mid ah xididada dhiigga madaxa qaada ee ilaa iyo aragga geeya.

Haweeneydan ayaa sheegtay sidii ay qalliinkan u gashay ay la tacaaleysay madax xanuun aad u daran iyo kalsooni-darro nafsadeed, iyadoona foolxumadii ay ka carareysay ay u dheertahay indho la’aan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (11426 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: