Wararka

Hay’ada NISA oo xabsiga u taxaabtay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir…


Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa gelinkii dambe ee maanta xabsiga u taxaabtay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Gobolka Banaadir.

Axmed Cabdullaahi Xasan, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir ayaa waxaa lala xiray ninkii kuxigeenka u ahaa.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa inoo xaqiijiyay in Taliska NISA uu xabsiga dhigay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir iyo Kuxigeenkiisii.

Tani ayaa waxay ka dambeysay, markii ay soo baxeen warar sheegaya in magacaabistooda ay ku lug leedahay Al Shabaab.

Baaritaanka ay maalmihii ugu dambeysay waday Hay’adda NISA ayaa dhabaha u xaaray tallaabada lagu soo xiray Gudoomiye Axmed Cabdullaahi Xasan iyo Gudoomiye Kuxigeenkiisii.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: