Wararka

Somalia oo ka mid noqotay dalalka ugu musuq maasuqa badan dunida, sida lagu sheegay…


Soomaaliya ayaa noqotay dalka ugu musuqa badan dunida kaddib markii ay dalalka dunida ku hogaamisay diiwaanka musuqa, sida ay ku sheegtay Ha’yadda Transparency International warbixin ay soo saartay.

Diiwaankan ayaa ah mid sannadla ah oo ha’yadda ku eegto musuq maasuqa ha’yadaha ilaa 180 dal.

Sida laga soo xigtay, waxyaabaha musuqa ka qeyb qaatay inay yihiin dagaallada dalka ka taagan, “Laaluush iyo musuq maasuq baahay oo dhanka siyaasadda ah”

Ha’yadda waxay ku baaqday in dowladda Soomaaliya ay sameyso isla xisaabtan siyaasadeed gaar ahaan hirgelinta tallaabooyinka la dagaalanka musuq maasuqa.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda ka hor beenisay diiwaanka musuqa ee ha’yaddan isla markaasna ku tilmaantay ‘waxbo kama jiraan’.

Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sannadkii lasoo dhaafay ansixiyay sharciga dhismaha guddiyada la dagaallanka musuq maasuqa.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (11426 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: