Wararka

Wasiirka Tamarta ee Sacuudiga oo wariye su’aal weydiiyey ugu jawaabay doqon baad tahay…


Telefishanka Ingiriiska ee ITV ayaa baahiyay muuqaal muujinaya Wasiirka Tamarta Sucuudiga Abdulaziz bin Salman oo uga jawaabaya mid ka mid ah wariyeyaasheeda oo lagu magacaabo Joel Hills – weedha ah: “Waxaad tahay doqon.”

Tani ayaa waxay timid ka dib markii su’aal Hills uu weydiiyay wasiirka: “Muxuu Sucuudigu u jabsaday taleefanka Bezos?” Si uu wasiirku u diido jawaabta, wuxuu ugu jawaabey isagoo leh, “Waxaan u maleynayaa inaad su’aal qaldan igu weydiineyso meel qaladan, waxayna umuuqataa inaad jeesjeeseyso.” Kadib wuxuu ku daray, “doqon baad tahay.”

Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa warbixin ku sheegay in jabsashada lagula kacay milkiilaha iyo aasaasaha shirkadda Amazon iyo milkiilaha wargeyska Washington Post ee “Jeff Bezos” sanadkii 2018, uu kaga yimid telefoonka Amiirka Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
ino@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: