Wararka

Nin Sacuudi ah oo guriga qoyskiisa kula nool yey muddo 11 sano ah oo ceesho- milix noqdeen…


Iyagoo xasilooni iyo deganaansho ka muuqata ayaa Rami Al-Sarhani iyo labadiisa caruur ah waxay salaaxayaan yey guriga qoyska kula nool ee gobolka al-Jouf ee Waqooyiga Sacuudiga in ka badan toban sano.

Yeyga oo lagu magacaabo, “Adeem” – oo ka mid ah yeeyda carbeed oo la nool qoyska Sucuudiga, wuxuu u muuqday mid deggen markii labada caruur (4 iyo 7 sano jirka ah) ay u shanleynayeen oo dhunkadeen, kadib markii ay nolol la wadaageen tan iyo markii ay ku dhasheen guriga qoyska.

Qofkan rabeeyey yeyga Rami al-Sarhani oo 37 jir ah oo ka shaqeeya qeybaha maaliyada ayaa yiri(Xiriirka qoyskeyga iyo yeyga, waa sida xiriirkeyga oo kale, wuxuu noqday xubin reerka ka mid ah qeybna ka ah nolol maalmeedka caadiga ah ee qoyska, in kasta ay khatartiisa sareyso hadana waxaan naqaanaa furayaasha lagula tacaali karo.”

La ciyaarista yeyga
Qoyska al-Sarhani ayaa la nool Yeyga muddo 11 sano ah, taasoo xoojisay xiriirka labada dhinac, cunaga yar ee Sael ayaa yiri ( aniga waan jeclahay yeyga Adeem, mana ka baqo, waa saaxiibkey, maalin walbana waan la ciyaaraa) ayuu yiri.

Si kastaba ha noqotee, martida ayaa inta badan la yaabi jirtay aragtida koowaad markii ay arkaan yeyga oo fadhiya majliska ama Golaha Sarhani, laakiin intooda badan waxay saaxiibtinimo la yeeshaan aakhirka, maadaama uu cunno cunnada reerka ay karsadaan, waxaa mamnuuc ka ah hilib dhiig leh oo aan karsaneyn, taasi waxay kicin kartaa dareenkiisa kadibna ku dhiirado inuu dadka cuuno.

Wuxuu la sameystay saaxiibtinimo taasi oo bartay inuu kala ogaado waxa uu jecelyahay iyo waxa uu neceb yahay, waxaana ka dhaxeysa xiriir qoto dheer oo saaxiibtinimo.

Al-Sarhani ayaa wuxuu sharraxayaa in yeygu ay noqdaan kuwa dagaal badan oo cadow noqda inta lagu guda jiro xilliga guurkooda oo ah bilaha (Janaayo ilaa Maarso), sidaa darteedna waqtigaasi waa laga fogeeyaa dadka ama qoyskaba si uusan waxyeelo u gaarsiinin.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8781 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: