Wararka

Ciyaaryahankii Basketball-ka caanka ku ahaa Kobe Bryant oo shil diyaaradeed ku geeriyooday…


Wararka ka imaanaya magaalada Los Angeles ee dalkaasi Mareykanka ayaa waxa ay sheegayaan in ciyaaryahan ku caanbaxay Basketball-ka oo lagu magacaabo Kobe Bryant uu halkaasi ugu geeriyooday shir diyaaradeed oo nooca qumaatiga u kaca, shalay gelinkii dambe.

Geerida Kobe ayaa waxaa xaqiijiyay daladda ciyaaraha Basketball-ka Mareykanka ee NBA.

Wararku waxa ay sheegayaan in shilkaasi ay ciyaaryahanka kula geeriyootay gabadhiisa curadda ah ee Gianna oo 13 jir aheyd.

Kobe oo 41 jirsaday ayaa taariikh mug leh ka galay ciyaaraha basketball-ka, waxaana uu ka mid noqday ciyaaryahannada ugu mucjisada badan ee soo mara NBA-da.

Booliska magaalada Los Angeles ayaa sheegay in shilkaasi ay ku geeriyoodeen 9 ruux oo uu ku jiro Kobe Bryant iyo gabar uu dhalay.

Kobe1

Kobe ayaa ifka kaga tagay xaas iyo saddex gabdhood oo uu dhalay, waxaana tirada guud ee carruur oo uu dhalay ahaayeen 4 gabdhood oo ay midi la dhimatay.

Dadka wax-galka ah ee ciyaaraha ku jira iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Mareykanka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Kobe Bryant oo ay ku sheegeen mid naxdin badan.

Ciyaaryahanka geeriyooday ayaa dhawaan ka fariistay ciyaaraha Basket-ka.

About Admin (8780 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: