Wararka

Madaxda Eritrea, Ethiopia iyo Somalia oo Kulan iskaashi uga furmaya magaalada Asmara…


Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Asmara ee dalka Eritrea kaga qayb-gelaya kulan Madaxeed ku saabsan Iskaashiga Saddex Geesoodka ah ee dalalka Somalia, Eritrea iyo Ethiopia.

Kulankan oo ay ka qayb-gelayaan Madaxweyne Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ku saleysan dhammeystirka hannaanka iskaashiga dalalka Gobolka iyo sidii loo xaqiijin lahaa horumarka iyo xasilloonida dowladaha dan-wadaagta ah ee Geeska Afrika.

Inta ay kulamadani socdaan waxaa ay Madaxdu qiimeynayaan miro-dhalka tallaabooyinka la qaaday si loo xaqiijiyo isu furfurnaanta dhanka diblumaasiyadda iyo isu-socodka bulshada Gobolka, mideynta qorsheyaasha lagu wiiqayo argagixisada iyo xal u helista caqabadaha ku xeeran Iskaashiga dalalka Gobolka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8781 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: