Wararka

Magaalada Asmara oo ka socda shir seddax geesood ah oo u dhaxeeya Madaxda dalalka…


Magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea waxaa shir seddax geesood ah uga socdaa Madaxweynayaasha Soomaaliya, Ereteriya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Kulanka ayaa ah mid ay madaxdan uga wada hadlayaan arimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga seddax geesoodka ah, waxaa sidoo kale kulanka looga hadlayaa sidii looga shaqeyn lahaa xasilinta ammaanka gobolka.

Madaxda dowladaha Soomaaliya ,Itoobiya iyo Eritrea ayaa horey u gaaray heshiisyo iskaashi , waxaana la filayaa in shirka marka uu soo dhamaado lasoo saaro War Murtiyeed wadajir ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: