Wararka

Hogaamiyihii al-Qaacida ee Yemen Qassim al-Rimi oo duqeyn diyaaradeed lagu dilay…


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa twitterka shaaca uga qaaday in duqeyn diyaaradeed ay ku dileen xubno ka tirsan al-Qaacida ee dalkaasi Yemen.

Duqeyntan ayaa dhacday 25-kii bishan Janaayo, waxaana ay ka dhacday deegaanka lagu magacaabo Wadi Ubaidah ee gobolkaasi Ma’arib.

Hoggaamiye lagu magacaabo Qassim al-Rimi islamarkaana ka mid ah aas-aasayaasha al-qaacidada Yemen ayaa weerarkaasi ku dhintay, sida uu xaqiijiyay madaxweyne Trump.

Ninkan ayaa hoggaanka al-Qaacida ee Yemen la wareegay kadib markii sidoo kale duqeyn uu Mareykanka ku dilay hoggaamiyihii hore Nasser al-Wahishi, sannadkii 2015.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8811 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: