Wararka

Malaayiin telefoono ayaa weyn doona barnaamijka WhatsApp laga bilaabo 1da February.


Barnaamijka farriimaha iyo telefoonada ee la iskugu diro ee WhatsApp ayaa joojin doona in ay barnaamijkooda ku shaqeeyaan malaayiin telefoono ah laga bilaabo 1da February 2020.

WhatsApp ayaa sheegtay in tallaabadan ay lagama maarmaan noqotay si loo xaqiijiyo ammaanka dadka bartaasi isticmaalaya.

Taleefannada ay soo saaraan Android iyo iPhone ee ku shaqeeya barnaamijka uu waqtigoodu dhacay ayaanan ku shaqeyn doonin bartan ay leedahay shirkadda Facebook.

Taleefannada ku shaqeeya barnaamijka Android ee 2.3.7 oo la soo saaray 2011 iyo kuwa ka da’da waynba, iyo midka iPhone iOS 8 oo la soo saaray 2014 ama ka sii wayn, ayey arrintan saameyn doontaa.

Barnaamijka uu ku shaqeeyo WhatsApp-ka ayaa waxa uu meesha ka saaraya barnaamijta qadiimiga ah ee aan la cusboonaysiin ama lagu shubay taleefannada cusub.

Inta badan dadka isticmaala bartaas ayey u suuragalaysaa inay cusboonaysiiyaan barnaamijka uu taleefankooda ku shaqeeyo si ay u sii wadaan isticmaalka adeegga farriimaha ee shirkadda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10616 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: