Wararka

Booliska Britain oo nin mindi ku hubeysnaa ku toogtay Koonfurta magaalada London…


Booliiska Britain ayaa sheegay inay nin mindi ku hubeysanaa ku toogteen Koonfurta magaalada London, iyagoo weerarkan ku sifeeyey fal argagixisnimo.

Waxay sheegeen in ninkan uu ugu yaraan laba qof ku weeraray mindi kuwaasoo ku sugnaa wado aad u mashquul badan oo ku taal degmada Streatham.

Qof goobjooge ah ayaa sheegay in nin watay mindi uu galay dukaan ka dibna uu dad ku weeraray.

Ninkan ayaa la sheegay inuu ka soo baxay dukaankii uuna banaanka ku weeraray haweenay baaskiil wadatay uuna ku duray tooreydii ka hor intii aan laga hortagin.

Dhawaaq rasaaseed ayaa la maqlay, iyadoo Booliiska sheegayaan in hadda xaaladda gacanta lagu hayo, waxaana weli iska soo daba dhacaya faahfaahinta weerarkan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10875 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: