Wararka

M/weynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi oo da’da 95 jir ugu geeriyooday Isbitaalka Nairobi…


Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Daniel Arap Moi ayaa geeriyooday, sida uu ku dhawaaqay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Waa arin murugo iyo naxdin leh in aan ku dhawaaqo geerida Daniel Toroitich arap Moi, oo ahaa madaxweynihii labaad ee dalka ahaana kuwii ugu qiimaha badna hogaamiyeyaasha soo maray Afrika, ayuu yiri Uhuru.

Mr Moi oo ku geeriyooday isbitaalka magaalada Nairobi ayaa waxyaabaha lagu xasuusta waxaa ka mid ahaa ka shaqeynta nabada iyo midnimada Kenya.

Geerida Moi oo 95 jir ahaa ayaa dhanka kale waxaa xaqiijiyay wiilka Moi oo lagu magacaabo Gedion Moi iyo afhayeenka qoyska Mr Lee Njiru.

Daniel Arap Moi ayaa xilka madaxtinimo ee Kenya qabtay sanadkii 1978-dii kadib geeridii Jomo Kenyatta, isaga oo mudo 24 sano kadib xilka ku wareejiyay madaxweynihii sadaxaad Mr Mwai Kibaki sanadkii 2002-dii.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8811 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: