Wararka

Ciidamada Dowlada oo la sheegayo in ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Beled Xaawo…


Wararka ka imaanaya Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Somalia ay la wareegeen gacan ku haynta degmadaasi.

Ciidamada Dowladda oo boqolaal askari gaaraya ayaa xalay la wareegay Degmada Beled Xaawo, wax yar uun ka dib, markii ay isaga baxeen ciidan taabacsan Maamulka Jubbaland.

Ciidamadan ayaa maalmo ka hor diyaarado lagu geeyay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, iyadoo gelinkii dambe ee shalay-na ay gaareen Degmada Doolow, halkaasii ay uga sii gudbeen dhinaca Beled Xaawo.

Degmada Beled Xaawo ayaa xalay bandow iskeed ah gashay, ka dib markii dadka deegaanka ay bilaabeen inay guryahooda ku xaroodaan.

Xaaladda Degmada Beled Xaawo ayaa degan, mana jirto wax shaqaaqo ah oo degmadaasi ka dhacay, tan iyo markii ay la wareegeen Ciidamada Dowladda.

Shabakada Wararka
hagaaag.com
info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: